Guddiga Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

0
Sunday October 20, 2019 - 16:25:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

    Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa gaaray Wafdi ka socda Xubnaha Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa gaaray Wafdi ka socda Xubnaha Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya.


Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa marka hore tegay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo uga soo gudbay dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Ee Baarlamaanka Soomalaiya  Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} ayaa hoggaaminaya wafdiga oo ka kooban 9 Xildhibaan,waxaana la filayaa inay la kulmaan Madaxda Galmudug eek u suagn Magaalada Dhuusamareeb.

U jeedada ugu weyn ee Xubnaha Guddiga soo diyaarimnta Sharciga doorashooyinka ay halkaasi u tageen ayaa waxaa kamid ah inay Madaxda Sare ee Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay kala hadlaan aragtidooda ku aadan sharciga doorashooyinka.

Wafdiga Guddiga KMG ah ee  soo diyaarimnta Sharciga doorashooyinka ee tegay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Ahlusunna diidmo ka muujisay Guddigga doorashooyinka Galmudug ee Dowladu Magacaawdey taasoo xalinteeda uu Dhuusamareeb u Joogo Wasiirka Arimaha Guddaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye.

Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa horey uga tegay Magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar ee Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle,iyagoona halkaas kula soo kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka labada dhinac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip