Turkiga iyo Maraykanka oo Heshiis Ka Gaaray Dagaalada Ka Socda Waqoyiga Siiriya.

0
Friday October 18, 2019 - 14:26:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga iyo Maraykanka oo Heshiis Ka Gaaray Dagaalada Ka Socda Waqoyiga Siiriya.

    Turkiga ayaa ogolaaday in heshiis xabad joojin ah laga dhaqan geliyo waqooyiga Suuriya si ciidammada Kurdiyiinta loogu ogolaado inay isaga baxaan halkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga ayaa ogolaaday in heshiis xabad joojin ah laga dhaqan geliyo waqooyiga Suuriya si ciidammada Kurdiyiinta loogu ogolaado inay isaga baxaan halkaas.


Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayaa sheegay in dowlada Maraykanka iyo Turkiga ay ku heshiiyeen xabad joojin waqooyiga Siiriya halkaa oo ay ciidamada Turkiga weerar ku qaadeen toddobaadkii hore.

Heshiiskan ayaa lagu gaaray magaalada Ankara kadib markii ay kulmeen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Pence.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in heshiiskan xabad joojinta ah oo soconaya shan maalmood ayaa qorshuhu yahay in dagaalamayaasha Kurdiyiinta ay ka baxaan waqooyiga Siiriya.

Sidoo kale qodobada heshiiska ayaa waxaa ka md ah in Maraykanku uu joojiyo cunoqabataynta uu saaray Turkiga.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amaan kala dul dhacay dhigiisa Turkiga Erdogan ka dib markii uu ogolaaday heshiis xabad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo duulaanka turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Turkiga ee woqooyiga Siiriya.

Trump ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid badbaadineysa nolosha kumanaan qof oo ku nool woqooyiga Siiriya, ayna guul tahay Maraykanka.

"Erdogan waa nin fiican oo rag ah waana saaxiibkey, talaabada uu qaadayna waa mid mudan in looga mahad celiyo” ayuu yiri Trump oo ka hadlay isu soo baxay ka dhacay gobolka Texas.

Dhinaca kale taliyaha YPG oo ah ururka Kurdiyiinta Mazloum Abdi ayaa sheegay in dhankooda ay u hogaansamayaan xabad joojinta looga dhowaaqay magaalada Ankara.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip