Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb -Sawirro

0
Friday October 18, 2019 - 14:23:33 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb -Sawirro

    Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goordhow waxaa ay gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyada oo siweyn halkaasi logu soo dhaweeyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goordhow waxaa ay gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyada oo siweyn halkaasi logu soo dhaweeyey.


Wafdiga Wasiirka oo Maalmahaan la hadal haayey inay tagayaan  Dhuusamareeb ayaa waxaa la filayaa inay Ahlusunna kala hadlaan  tabashada ay ka qabto Guddiga Wasaaraddu u Magacaawdey Doorashooyinka Galmudug.

Maalinta Berito ah oo sabti ah ayaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda.

Maalmahan ugu dambeeyay ayaa waxay wada-hadallo hoose u socdeen dowladda Federaalka iyo hoggaanka Ahlu sunna oo diidanaa Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug ee Wasaaraddu magacowday.

Lama oga waxyaabaha ay ku heshiin doonaan wafdiga ka socda dowladda ee maanta tagay Dhuusamareeb iyo hoggaanka Ahlusuna, balse khilaafaad labada dhinac horey u soo dhex galay labada dhinac ayaa la xaliyey dedaalo badan ka dib.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan ku mashquulsan xal u helida tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusunna si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay,isla markaana la doorto hoggaanka Maamulka Galmudug.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip