Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Ka Qeyb-galay Shir Looga Hadlayay Arrimaha Soomaaliya -Sawirro

0
Friday October 18, 2019 - 14:16:54 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Ka Qeyb-galay Shir Looga Hadlayay Arrimaha Soomaaliya -Sawirro

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qayb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey'adda lacagta adduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qayb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey'adda lacagta adduunka.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in dalka deynta laga cafiyo.

Ka qayb galayaasha shirkaan, oo ay soo qabanqaabisay dowladda Ingiriiska, ayaa isla qiray in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada, iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda dalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qayb ka ah wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in madaxdii caalamka ee shirka ka soo qeyb gashay ay qireen in Soomaaliya guul muhiim ah ka gaartay horumarinta iyo hufnaanta maaliyadda dalka iyadoo masuuliyiinta Soomaaliya ay balan qaadeen sii wadida dadaalka lagu horumarinayo Maaliyadda Soomaaliya.

Ra’iisul Kheyre ayaa Sidoo kale la filyaa in maalmaha soo socdo uu ka qeyb-galo shirka sanadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF).








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip