Madaxweyne Deni oo Sheegay inay Bilaabayaan Xalinta Khilaafka Dowladda iyo Jubbaland.

0
Friday October 18, 2019 - 14:07:20 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo Sheegay inay Bilaabayaan Xalinta Khilaafka Dowladda iyo Jubbaland.

    Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay ka qeb-qaadaashada xalinta khilaafka xilligaan u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay ka qeb-qaadaashada xalinta khilaafka xilligaan u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.


Waxaa uu sheegay Deni in Puntland ay mar walba horseed u tahay howlaha federaalka ee socda,isla markaana cid kasta oo diidan wixii ka dhacay Kismaayo ha ahaato dowladda Federaalka iyo kuwa kale ee ku sugan Kismaayo inay diyaar u yihiin inay isku soo dhaweeyaan.

Siciid Deni Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay magaalada Boosaaso kadib markii uu ka soo qeybgalay xafladii caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in siyaasiyiin badan uu la kulmay ay diyaar u yihiin in la xaliyo khilaafkan balse ay jiraan labo ruux oo aan miisaan badan lahayn.

"Puntland waxaa ay diyaar u tahay inay maamul goboleedyada oo dhan inay garab istaagto sida aad horay u ogeydeen,doorweyn ayaana ka qaadaneynaa,waxana rajeynayaa in khilaaf kasta oo taagan sigaar ah kan u dhaxeeya dowladda & jubbaland in laga gudbi doono, laba qof ayaa hadda ii muuqdo balse an miisan ku laheyn Kismaayo ayuu yiri” Siciid Deni.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa imaanayo xilli weli uu taagan yahay khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowladda Federaalka & Maamulka Jubbaland taas oo xoogeysatay, kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe.

Inkastoo uu Madaxweyne Deni sheegay inuu ka qeybqaadanayo xalinta arrimaha Jubbaland,balse waxaa jira khilaaf u dhexeeya dowlada federalka iyo maamulka Puntland.

Maamul goboleedyada dalka ka jira oo hore u sameystay isbahaysi gaar ah ayaa hadda u kala qeybsan labo dhinac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip