Maxkamada ICJ oo Mar Kale Dib u Dhigtay Dhegeysiga Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya.

0
Thursday October 17, 2019 - 19:12:55 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada ICJ oo Mar Kale Dib u Dhigtay Dhegeysiga Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya.

    Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa waxay galabta iclaamisay xili cusub oo loo soo qabtay dhegeysiga dacwada badda ee Somalia iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa waxay galabta iclaamisay xili cusub oo loo soo qabtay dhegeysiga dacwada badda ee Somalia iyo Kenya.


War ka soo baxay Maxkamada ayaa go’aamisey in dhegeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigay 8-12-ka bisha Juun ee sanadka 2020.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Madowga Yurub Danjire Cali Fiqi ayuu ku sheegay in Maxkamadda ICJ ay dacwada dib u dhigtay illaa 8 bisha June ee sanadka 2020.

"Maxkamada ICJ waxay galabta go’aamisey in dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin”ayuu yiri Danjire Cali Fiqi.

Maxkamada ayaa sheegtay inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhegeysiga maxkamada xiliga cusub ee loo qabtay, iyadoo intaas ku dartay in go’aankan u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe aan dib loo dhigi doonin.

Waa markii labaad ee Maxkamadu ay dib u dhigto dhegeysiga kiiskan waxayna ugu dejisay dhageysiga dacwadda 9-ka illaa 13-ka September, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay illaa 4-ta November kadib codsi ka yimid Kenya.

Wafdi ka socday dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo bishii hore tagay magaalada Hague ayaa la soo kulmay Madaxda Maxkamadda iyo wafdiga Kenya, iyagoo ka wada hadlay arrimaha dacwada labada dal iyo dalab kale oo ay waday Kenya oo ahaa in ilaa dhamaadka sanadka 2020 dib loo dhigo, hase ahaatee ay dowladda Federaalka ku gacan seyrtay.

Kenya ayaa mar kale cadaadis ku saartay Maxkamada in muddo sanad ah dib loogu dhigo dacwada taasoo ku soo beegmeysa xili doorashooyin laga qaban-qaabinayo Somalia, balse Maxkamada ayaa u muuqata iney qaadatay go’aan meel dhexe ah iyadoo mar kale dib u dhigtay lix bilood illaa todobo bilood oo kama dambeys ah.

Kenya ayaa ka caga jiideysa in kiiskan ay dhameyso Maxkamada, iyadoo dooneysa in Somalia ay la gasho wada xaajood, waxaana arintaas ku gacan seyray dowlada Madaxweyne Farmaajo oo ku adkeysatay in meel aan maxkamada aheyn aan lagu kala bixi doonin.

Go’aanka Maxkamadda ICJ ay mar kale dib ugu dhigtay dhageysiga Dacwada Badda ayaa u muuqata mid lagu xagal daacinayo guusha la filayo in dowladda Federaalka ka soo hoyso dacwadaas, maadaama in muddo ah Kenya waday in qaab wada hadal lagu xaliyo, iyadoo dalal badan oo Caalamka ahna u kaashaneysay cadaadiskeeda ku aadan in dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qanciyo in qaab wada hadal lagu xaliyo muranka badda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip