Guddoomiyihii Hore ee Degmada Maxaas oo Ka Soo Muuqday Maxkamadda Ciidamada -Sawirro

0
Thursday October 17, 2019 - 15:58:45 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Hore ee Degmada Maxaas oo Ka Soo Muuqday Maxkamadda Ciidamada -Sawirro

    Waxaa saakay maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida lasoo taagay guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saakay maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida lasoo taagay guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) .


Gudoomiyihii hore ee Maxaas iyo nin kale oo lagu magacaabo  Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa kasoo hormuuqday maxkamada iyagoo loo heysto eedeymo la xiriira Qarax uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas.

Labadan nin ayaa lagu tuhmayaa in ay ku lug lahaayeen qarax lagu dilay Cabdi Rashid Cusmaan Carab oo ahaa guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee  degmada Maxaas waxaana la geeriyooday Sarkaal boolis ah oo la saarnaa gaari xilliga qarax lala beegsanayay, waxaana mas’uuliyadda qaraxaas sheegatay Al-Shabaab waxaana dilkan uu dhacay  19-kii bishii April ee sanadkan 2019-ka.

Xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamada ciidamada ayaana kusoo eedeeyay labadan nin ee maxkamada kasoo hor muuqday in ay wax ka maleegeen qaraxa lagu dilay Gudoomiye kuxigeenka.

Dilka Guddoomiye kuxigeenkii hore Amniga degmada Maxaas ayaa dhaliyay tuhun kala duwan, waxaana taas ay keentay in baaritaano hey’adaha amniga sameeyeen in loo qabto Guddoomiyaha degmada Maxaas iyo xubin kale oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin.

Dhageysiga dacwada ay qaadeyso Maxkamadda ayaa socon doonta, waxaana maanta Maxkamadda la horkeenay caddeymo kala duwan iyo warbixino la xiriira qaabka uu fal dambiyeedkaas u dhacay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaana la filayaa hadii ay dambiga ku hesho Gudoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo ninka kale ee la eedeesan in ay ku rido xukuno adag.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip