Wasiirka Maaliyadda oo Washington uga Qeyb Galaya Kulamo Ku saabsan Deyn Cafinta.

0
Thursday October 17, 2019 - 15:27:03 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda oo Washington uga Qeyb Galaya Kulamo Ku saabsan Deyn Cafinta.

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu wadaa in galinka danbe ee maanta ku soo bandhigo hormarka isbadalka maaliyadda ay gaartay iyo baahida ay u qabto in laga cafiyo deymaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu wadaa in galinka danbe ee maanta ku soo bandhigo hormarka isbadalka maaliyadda ay gaartay iyo baahida ay u qabto in laga cafiyo deymaha.


Dr Beyle oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalda Washington ee dalka Mareykanka oo u ka socdo shirka sanadlaha ee hay’adda lacagta aduunka IMF iyo Bangiga Aduunka ayaa kulamo looga hadlayo deyn cafinta kula yeelanaya madaxda hay’adaha Maaliyadda ee ka qeyb galaya shirkaas.

Wasiir Beyle ayaa hadal ka jeedin doona shirka looga hadlayo Hormarka lag gaaray dib u habeynta dhaqaalaha Soomaalia iyo maamulla maaliyadda dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inuu la wadaago madaxda ka qeybgaleysa shirkaas iyo muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay cafinta Deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, oo haddi ay ku guuleysto u horseedi karta hormar balaaran.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulamo miro dhal ah la yeeshay masuuliyin ka soctay Bangiga Aduunka oo horkacayey Hafez Ghanem oo ah Madaxweyna ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Qaaradda Africa, waxaan Wasiirka Maaliyaddu u la wadaagay saraakishaas, sida ay Soomaalia uga go’antahay inuu Bangiga Aduunka ay kala shaqeeya dadaalada hormarinta ee Soomaalia, iyadoo inta uu socday kulankaasna la isla qiray dadaalka wasaaradda Maaliyaddu ugu jirto ka miro dhalinta dib u habeynta dhaqaalaha iyo deyn cafinta.

"Waxaan la kulanay koox ka socotay Bangiga Aduunka oo uu hogaaminayay #Hafze_Ghanem oo ah Madaxweyne ku xigeenka Bangiga ee Qaarada Afrika.Arimo badan oo aan ka wadahadalnay kadib waxaan isla garanay in aan sameynay horumar balaaran oo ah hagaajinta nidaamka Maaliyadda  ayuu yiri” Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay kala Shaqeynta Bangiga Aduunka dhamaan horumarka Somaaliya ee dhinaca Maamulka iyo Maaliyadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa waxa shirkan ku wehliya masuuliyin ka socotay wasaaradda iyo Bangiga dhexe ee dalka waxaana la filayaa in kulamo kale ay la qaataan masuuliyiinta hay’adaha iyo ururada caalamiga ee quseyso cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip