Madaxweynayaashii Hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Muqdisho Ku Laabtay -Sawirro

0
Wednesday October 16, 2019 - 15:03:26 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaashii Hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Muqdisho Ku Laabtay -Sawirro

    Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa Maanta dib ugu soo laabtay qeybtii ugu horeysay wafdigii tegay Magaalada Kismaayo ee ka qeyb-galay xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa Maanta dib ugu soo laabtay qeybtii ugu horeysay wafdigii tegay Magaalada Kismaayo ee ka qeyb-galay xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.


Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal iyo Siyaasiyiin ayaa gaaray Magaalada Muqdisho.

Labada Madaxweyne hore ee ku laabatay magaalada Muqdisho ayaa horey markii Kismaayo aadayeen uga duulay garoonka Aadan Cadde, halka masuuliyiin kalana ay jabiyeen amarkii dowlada iyagoona diyaarado ka raacay Nairobi iyo Garawe.

Xubnahaan ayaa intii ay ku sugnaayeen Kismaayo ka sokow xafladii Caleema saarka,waxaa ay sidoo kale ka qeyb galeen kulamo gaar gaar ah oo looga hadlay Arrimo siyaasadeed iyo xaalada dalka.

Kulamada ayaa intii ay socdeen waxaa ay sheegeen qaarkood in xilligaan xaalada dalka ay tahay mid liidato,isla markaana u baahan in wax laga qabto, iyaga oo eedeyn u jeediyey Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo waxaa weli ku sugan wufuud kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni yo Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed,kuwaas oo la filayo inay dib ugu laabtaan halki ay ka yimaadeen.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip