Ciidamada Milatariga oo Howlgalo Ka Sameeyey Deegaan Ka Tirsan Baardheere.

0
Wednesday October 16, 2019 - 14:39:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Milatariga oo Howlgalo Ka Sameeyey Deegaan Ka Tirsan Baardheere.

    Ciidamada Milatariga Soomaaliyeed ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Milatariga Soomaaliyeed ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.


Taliska Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla gobolka Gedo ayaa waxaa ay faah faahin Guud ka bixiyeen howlgallo qorsheysnaa oo saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Taliyaha Ururka 49aad qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamed Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka ka fuliyeen meel 50km u jirta degmada Baardheere halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayuu sheegay in tuulada ay howlgalka ka fuliyeen ay Shabaab ku heysteen xoolo isugu jira Ari iyo Geel oo ay markii hore si qasab ah uga qaateen dadkii lahaa sida uu hadalka u dhigey.

"Howlgalkan waxaan ku soo celinay xoolo isugu jira ari iyo geel oo markii hore si qasab ah loogaga qaaday xoolo dhaqato Soomaaliyed.”ayuu yiri sarkaalkan u hadlay ciidamada xoogga ee gobolka Gedo.

Intii uu howlgalka socday ayuu sheegay inay Al-Shabaab  kasoo furteen xoolihii ay heysteen iyo hub farabadan,sidoo kalena ay ka dileen laba xubnood,isla markaana xoolaha ay Shabaab kasoo furteen ay ku wareejin doonaan dadkii lahaa.

Ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamada milatari iyadoo sidoo kale ururka Al-Shabaab uusan ka hadlin iskahorimaadkan ka dhacay gobolka Gedo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip