Banaan Bax Looga Soo Horjeeday Caleemo Saarka Axmed Madoobe iyo Kenya oo La Dhigay.

0
Sunday October 13, 2019 - 13:49:44 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaan Bax Looga Soo Horjeeday Caleemo Saarka Axmed Madoobe iyo Kenya oo La Dhigay.

    Qaar kamid ah Shacabka ku nool degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka gedo ayaa waxaa ay Maanta dhigeen banaanbax ka dhan ah Maamulka Jubbaland oo uu hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar kamid ah Shacabka ku nool degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka gedo ayaa waxaa ay Maanta dhigeen banaanbax ka dhan ah Maamulka Jubbaland oo uu hoggaamiye Axmed Maxamed Islaam.


Dadka banaan baxa dhigayay oo isugu jiray Odayaal, Haween iyo Carruur ayaa si weyn uga soo horjeeday xaflada lagu caleemo saarayay Madaxweynaha doorashadiisa dowlada diiday ee Jubbaland, waxa ay sidoo kale dadkan kasoo horjeedeen Wafdiga dowlada Kenya u dirtay xaflada caleemo saarka.

Qaar kamid ah dadkii banaan baxa ka hadlay ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan Xaflada lagu caleemo saaray Axmed Madoobe, waxa ayna sheegeen in aysan u aqoonsaneyn Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa ay sidoo kale banaan baxayaasha hadlay qaarkood ku eedeeyeen dowlada Kenya in ay kusoo xad gudubtay qaranimada Soomaaliya sidoo kale diyaaradaha Kenya dhibaato ku hayaan shacabka gobolka Gedo.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa aad u dhaliiley madaxdii ka qeyb-gashay xaflada sigaar ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka banaanbaxayay ayaa waxaa ay eedeyn kulul u jeediyeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo sheegay in uu Kismaayo u tegay iska horkeenka Shacabka Jubbaland sida ay hadalka u dhigeen.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen in wixii ka dhacay Magaalada Kismaayo aysan aheyn doorasho,isla markaana iyaga oo kaashana Madaxda dowladda Federaalka ay doorasho ku qaban doonaan degmada Garbahaareey.

Banaan baxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee looga soo horjeedo xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ee la dhigay, waxaana xusid mudan magaalada banaan baxa ka dhacay in ay kamid tahay magaalooyinka uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip