Xiisad Ka Dhalatay Shaqa Joojin Lagu Sameeyey Taliye Ka Tirsan Booliska Hir-Shabeelle.

0
Thursday October 10, 2019 - 11:58:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad Ka Dhalatay Shaqa Joojin Lagu Sameeyey Taliye Ka Tirsan Booliska Hir-Shabeelle.

    Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo Degmada Jalalaqsi u tagay xalinta xiisad halkaasi ka taagneyd ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaasi Muuse Salaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo Degmada Jalalaqsi u tagay xalinta xiisad halkaasi ka taagneyd ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaasi Muuse Salaad.


Degmada Jalalaqsi waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd xiisad u dhaxeesay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti iyo ciidamada booliiska degmadaasi .

Taliyaha booliiska saldhiga degmada Jalalaqsi Muuse Salaad ayaa dhawaan diiday in ciidamada AMISOM damiyaan shirkadaha isgaarsiinta xili ay doonayeen AMISOM in miino baaris ka sameeyaan degmadaasi iyo hareeraheeda.

Ciidamada AMISOM ayaan aad uga carooday talaabada uu qaaday taliyaha booliiska, waxaana la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Jalalaqsi ka tganeyd xiisada u dhaxeesay AMISOM iyo booliiska Jalalaqsi.

Taliyaha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa diiday in uu u hogaansamo amarka Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa in taliyaha wali ku adkeesanayo in uu shaqadiisa sii wato.

Muuse Salaad ayaa sheegay in taliyaha booliiska Hirshabelle soo magacaabay uuna yahay shaqsiga kaliya ee xilkaasi ka qaadi kara, waxa uuna sharci daro ku tilmaamay shaqo joojinta uu ku sameeyay gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Magalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xalay ilaa saakay laga dareemayaa xiisada ka dhalatay Shaqa joojinta Taliyaha Booliska degmadaas,iyada oo la soo sheegayo in Shaqada Maamulka degmada iyo tan Booliska ay hakad ku jirto khilaafkana laga dareemay Magaalada.

Dhinaca kale warqad xalay ka soo baxday guddoomiye ku xigeenkii xilka laga qaaday ee gobolka hiiraan ee diiday Khaalid Bashiir Macalin ayaa kasoo horjeestay Shaqa joojinta taliyaha Booliska jalalaqsi,isaga oo sheegay inay tahay sharci-darro.

Wararkii Ugu dambeeyay ayaa sheegaya in degmada Jalalaqsi ay ku wajahan yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle, si ay ugu baxaan xalinta xiisada ka taagan degmada

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip