Kulan U Dhaxeeyay Wasiiro Katirsan Federaalka iyo Madaxweyne Deni oo Natiijo La'aan Ku Dhamaaday.

0
Wednesday October 09, 2019 - 09:34:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan U Dhaxeeyay Wasiiro Katirsan Federaalka iyo Madaxweyne Deni oo Natiijo La'aan Ku Dhamaaday.

    Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magalada Boosaaso ayaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa ay xalay kulan kula qaateen Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo xubno ka tirsan Xukumadiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magalada Boosaaso ayaa Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa ay xalay kulan kula qaateen Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo xubno ka tirsan Xukumadiisa.


Xubnahaan oo shalay gaaray Boosaaso ayaa u jeedoodu waxaa uu ahaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, iyaga oo Madaxweyne Deni u gudbiyey dalab ka socda Dowlada Federaalka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa Wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay Madaxweynaha Puntland ka dalbadeen in la xaliyo khilaafka  ka dhaxeeya Dowladda Federaalka & Puntland, isla markaana Madaxwayne Deni ka baaqdo Caleema saarka madaxwaynaha Jubbaland.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayay Axmed Ciise Cawad waxana la sheegay in Madaxweynaha Puntland uu ku gacan seyray dalabka ah in uu ka baaqdo Caleema saarka Axmed Madoobe,waxana kulankooda uu ku dhamaaday natiijo la’aan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni uu u sheegay Wasiirada in mar walba ay Puntland diyaar u tahay wada hadal, isla markaana ay doonayaan in la fuliyo wixii horay lagu wada heshiiyay.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Boosaaso ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ay Maanta dib ugu laaban doonaan Magalada muqdisho, iyaga oo aan ku guuleysan qorshihii ay u tageen Magalada Boosaaso.

Dowladda Soomaaliya aya awaqti badan waxaa ay gelineysaa in wax mas’uul ah aysan ka qeyb-gelin Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe oo dhawaan ka qabsoomeysa Magalada Kisamayo,waxaana xusid mudan in Garoonka Muqdisho loo diiday in uu ka dhoofo Xubno uu kamid ahaay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wakiilada Beesha Caalamka ee ka qeyb galay shirkii todobaadkii hore lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay xaliso khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo Maamul Goboleedyada, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay oo ku saleysan wada shaqeyn iyo degenaansho siyaasadeed.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip