Madaxweyne Xaaf oo War Kasoo Saaray Magacaabista Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug.

0
Wednesday October 09, 2019 - 09:13:48 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xaaf oo War Kasoo Saaray Magacaabista Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug.

    Kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya xalay ay ku dhawaaqday Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa waxaa arrintaasi War ka soo saaray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Soomaaliya xalay ay ku dhawaaqday Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa waxaa arrintaasi War ka soo saaray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.


War-saxaafadeed ka baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Magacaabista Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug,kuwaasi oo ka shaqeyn doona dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dhismaha guddiga ay maamul ahaan kala qayb qaateen Wasaaradda,isla markaana ay kala sii shaqeyn doonaan howlaha harsan inta maamul dhameyatiran oo loo dhan yahay looga dhisayo Galmudug.

Guddigaan oo ay Magacaawday Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa ay dhexdooda iska dooran doonaan guddoon Cusub, iyaga oo guda geli doona dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Ugu dambeyntii Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhammaan shacabka reer Galmudug ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan dhameystirka Galmudug mid ah.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Madaxweyne Xaaf:-





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip