Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed oo Maanta Baaqday.

0
Tuesday October 08, 2019 - 18:20:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed oo Maanta Baaqday.

    Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta oo Talaado ah lagu waday inuu ka furmo Kal-fadhiga 8aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed iyadoona uu baaqday kulankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta oo Talaado ah lagu waday inuu ka furmo Kal-fadhiga 8aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed iyadoona uu baaqday kulankaasi.


Kal-fadhigan ayaa waxaa uu yahay kii ugu dambeeyey maadaama Golaha Wakiilada waqtigooda uu dhamaaday, islamarkaana uu ku egyahay 1-da Bisha December ee Sanadkaan 2019.

Sababta uu u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay kadib markii la isku fahmi waayeen mudo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya, kadib markii xalay ilaa iyo maanta kulamo looga hadlayo arintaasi ay ka socotay Magaalada Baydhabo, iyadoona la isku afgartay in la kala diro Golaha wakiilada ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo weli ku sugan Magaalada Baydhabo, waxaa ayna halkaasi u tageen inay ka qeyb galaan kulanka Golaha wakiilada Koofur Galbeed Soomaaliya, hayeeshee uu maanta baaqday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan & dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa maanta lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Xildhibaannada waqtiga uu ka dhamaaday lagu wargeliyey inay tagaan deegaannada ay matalaan,isla markaana kalsooni ay kasoo raadsadaan si loo soo xulo Baarlamaanka Cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip