Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi Ah u Diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

0
Tuesday October 08, 2019 - 17:58:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi Ah u Diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle.


Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ayaa uga tacsiyadeeyay Madaxweyne Geelle geeridii ku timid walaalkiis Sacad Cumar Geelle.

"Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip