Musharax Tuuryare oo Ka Digay in Hogaanka Ahlu Sunna Looga Baxo Heshiisyadii Lala Galay.

0
Tuesday October 08, 2019 - 13:14:44 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 46
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Tuuryare oo Ka Digay in Hogaanka Ahlu Sunna Looga Baxo Heshiisyadii Lala Galay.

    Taliyihii hore ee NISA, haatana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare sheegay inay muhiim tahay in la fuliyo heshiisyadii dowlada federaalku la gashay maamulka ahlu sunna ee gobolada dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii hore ee NISA, haatana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare sheegay inay muhiim tahay in la fuliyo heshiisyadii dowlada federaalku la gashay maamulka ahlu sunna ee gobolada dhexe.


Musharax Tuuryare ayaa intaas ku daray in Maamulka Ahlu sunna ay u soo dhabar-adeygeen xoreynta degaanada Galmudug, ayna naf iyo maal ku bixiyeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-Shabaab isagoo xusay iney mudan yihiin in loo abaal-gudo oo aan looga bixin heshiisyada lala galay.

"Ahlusuna waxay mudan yihiin in loo abaal gudo, halgan ayay soo galeen, dad baa uga shahiiday, dowladda Federaalka ayay heshiis la galeen, hadba wixii lagula heshiiyay inuu fulo ayaa Galmudug dan u ah, dadka soo halgamay dan u ah”ayuu yiri C/raxmaan Tuuryare.

"Ahlu Sunna waa koox isku tashatay oo keligood la dagaalamay argagaxiso aduunka dhan u taag waayey, kana xoreeyey degaanadooda, iyagoo aan ALLE mooyee cid kale gacan ka heleynin” ayuu yiri musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Waxaa uu ka digay khal-khal amni iyo dib u-dhac hor leh oo Galmudug ka dhaca, haddii la fulin waayo qodobadii lagula heshiiyay Madaxda Ahlu sunna.

Waxaa uu sheegay in isaga uu ka mid yahay dadka aaminsan in Ahlusuna loo fuliyo xuquuqda siyaasadeed ee ay leedahay, isagoo xusay in dowladda Federaalka ku amaanan tahay inay qarameyso ciidamada Ahlusuna.

Dhinaca kale, Musharaxa ayaa ugu baaqay madaxda Ahlu suna iney gacan ka geystaan dhismaha Galmudug mideysan oo hadda dedaalkeeda ay waddo dowlada federaalka Somalia, kaasoo uu sheegay inuu noqon doono mid ka turjumaya mirihii ka dhashay halgankooda.

Dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ayaa horay heshiis u wada galay oo ku aadan hannaanka loo dhisayo Galmudug oo loo dhan yahay, iyadoo la qarameeyay dhammaan ciidamadii Ahlusuna, waxaana dhowaan xubno ka tirsna Ahlusuna ay dalbadeen in heshiisyada qaar loo fuliyo, oo ay ka mid tahay dhanka siyaasadda.

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad-cad hanashada xilka hogaanka sare ee Maamulka Galmudug, isagoo balan-qaaday haddii xilkaas loo doorto inuu wax badan ka bedeli doono xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee degaanada Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip