Dowladda Jarmalka Oo Ku Dhawaaqday Taageero Dhaqaale Oo Ay Siinayso Soomaaliya.

0
Tuesday October 08, 2019 - 13:07:52 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Jarmalka Oo Ku Dhawaaqday Taageero Dhaqaale Oo Ay Siinayso Soomaaliya.

    Dowlada Jarmalka ayaa ugu deeqday dowlada federaalka Soomaaliya 73-Milyan oo Dollar, lacagtan ayaana lagu taageeri doonaa Hay'adaha maaliyeed ee dowlada iyo sidoo tababaro lagu abuurayo xirfado kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Jarmalka ayaa ugu deeqday dowlada federaalka Soomaaliya 73-Milyan oo Dollar, lacagtan ayaana lagu taageeri doonaa Hay'adaha maaliyeed ee dowlada iyo sidoo tababaro lagu abuurayo xirfado kala duwan.


Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Amb Annett Gunther ayaa shalay balan qaaday lacagtan dowladeeda ugu deeqday Soomaaliya xili uu hadal ka jeedinayay munaasabd lagu xusayay maalinta midnimada Jarmalka oo  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Amb Annett Gunther ayaa shaacisay in lacagtan dowladiisa ku taageereyso Soomaaliya ay bixineyso labada sano ee soo socota, waxa uuna sheegay in la xoojinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhaxeeya.

"Innagoo ku taageereynna Soomaaliya waddada ay hayso, Germany waxay sare u qaadeysaa taageerada horumarineed iyo iskaashiga waxayna dowladda Jarmalku ku deeqeysaa Soomaaliya $73 million labada sano ee soo socota,” ayey tiri Gunther.

"Kordhintan oo sida mideysan la isugu raacay waxay xoojineysaa kobaca, xirfadaha horumarineed oo loo sii-marayo tababarro ku saabsan farsamooyinka gacanta iyo xirfadaha waxbarasho, Germany waxay ahmiyad siineysaa horumarinta reer miyiga, beeraha iyo maareynta biyaha,” ayey tiri Ambassador Gunther.

Sidoo kale waxaa dhankooda ka hadlay munaasabadda Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Gunther waxay xustay in taageeradan muhiimka ah ee ay Germany siineyso Soomaaliya ay ku sharfeyso horumarka ay sameeyeen dadka Soomaaliyeed.

"Ujeedku wuxuu yahay in la taageero joogteynta dariiqa fiican ee ay Soomaaliya qaadday sannadihii dambe,” ayey tiri Gunther. Xafladdan oo ka dhacday xarunta Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu xusayey 29 guuradii kasoo wareegtay dib u midowgii Jarmalka oo ku beegan 3, Oct 1990.

Lacagtan dowlada Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya ayaa wax looga qaban doonaa kobaca dhaqaalaha dalka , xirfadaha horumarineed oo loo sii-marayo tababarro ku saabsan farsamooyinka gacanta iyo xirfadaha waxbarasho ee dhalinyarada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip