Cali Maxamed Geeddi oo Ku Dhawaaqay inuu Hoggaamin Doono Xisbi Mucaarad Ah.

0
Monday October 07, 2019 - 18:08:41 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Maxamed Geeddi oo Ku Dhawaaqay inuu Hoggaamin Doono Xisbi Mucaarad Ah.

    Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta ku dhawaaqay inuu hoggaamin doono Xisbi mucaarad oo ka mid noqonaya Axsaabta Mucaaradka ee dalka ka jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta ku dhawaaqay inuu hoggaamin doono Xisbi mucaarad oo ka mid noqonaya Axsaabta Mucaaradka ee dalka ka jira.


Isaga oo Maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu soo dhaweeynayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayuu sheegay in uu hoggaamin doono Xisbigaas uu noqon doono mid mucaarad ah,kaas oo lagu dhawaaqi doono Maalinta Arbacadaha ah ee todobaadkaan.

Waxaa uu sheegay in Xisbiyada Siyaasada dalka ay yihiin kuwo sharciga uu ogol yahay,isla markaana Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen sidoo kalena uu uu Digreeto ku ansixiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa imaanaya xilli lagu tirinayay siyaasiyiinta aad ugu dhow Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo dhowr jeer difaacay, si kululna u weeraray Mucaaradka dowladda.

Lama oga in Xisbigiisa la mid noqonayo xisbiyada gacan saarka la leh dowladda Soomaaliya, waxaa la is weydiinayaa sida xilligan Cali Geeddi uu u mucaaradi karo dowladdii uu taageersanaa, kana difaaci jiray mucaaradka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip