Danjiraha Maraykanka Dalka Kenya oo Difaacay Mowqifka Maraykanka ee Al-Shabaab.

0
Monday October 07, 2019 - 17:49:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjiraha Maraykanka Dalka Kenya oo Difaacay Mowqifka Maraykanka ee Al-Shabaab.

    Danjiraha Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarter ayaa sheegay in dowladiisu aysan diidin in ururka Alshabaab loo aqoonsado urur argagaxiso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarter ayaa sheegay in dowladiisu aysan diidin in ururka Alshabaab loo aqoonsado urur argagaxiso.


McCarter ayaa ka jawaabayay eedeyn uu afhayeenka baarlamaanka Kenya Justine Muturi oo ku eedeeyay dowlada Maraykanka inay hortaagan tahay in ururka alshabaab loo aqoonsaddo urur argagaxiso.

Danjire McCarter ayaa sheegay in dowladiisu ay taageersan tahay qaraarka ka soo baxay Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay No 751 oo ka dhigaya Alshabaab koox argagaxiso.

"Su’aal kama taagna in Maraykanku uu Alshabaab u yaqaan urur argagixiso waxana uu sameynayaa wax walba oo qaraarkaa la xiriira.”ayuu yiri McCarter.

Hase yeeshee,Danjiraha Maraykanka ayaa xaqiijiyay in dowladiisu aysan raali ka ahayn codsiga Kenya ee ah in la joojiyo dhammaan taageerada bani’aadanimo ee la siinayo dalka Soomaaliya.

"Arrintan waa mid loo baahan yahay in la cadeeyo maanta,codsiga dowlada Kenya ee ah dhaqangelinta qaraarka 1267 oo ay ku jirto in la joojiyo dhammaan daryeelka bani’aadanimo ee la siinayo Soomaaliya.”ayuu sii raaciyay danjiraha Maraykanka ee dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa ku guuldareysatay in ururka Al-Shabaab loo aqoonsado urur caalami ah oo argagaxiso,dowlada Maraykanka iyo dowlada Soomaaliya ayaa ka soo horjeestey mowqifka Kenya iyadoo loo arkay in Kenya ay dooneyso in la burburiyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip