Guddiga Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo Kulamo Ka Wada Muqdisho -Sawirro

0
Monday October 07, 2019 - 13:12:33 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo Kulamo Ka Wada Muqdisho -Sawirro

    Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan xarrunta Villa Hargeysa waxa ay kula yeesheen Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan xarrunta Villa Hargeysa waxa ay kula yeesheen Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Goboladda Waqooyi ee Soomaaliya.


Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay xildhibaanadda iyo Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeedo goboladda Waqooyi ee soomaaliya ayaa ahaa sidii ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka ay ugu soo bandhigi lahaayeen guddiga.

Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Gobolada waqooyi ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka usoo bandhigay talooyinkooda iyo aragtiyadooda ku wajahan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

"Marka hore waxa aan idiin kaga mahadcelinaynaa sida aad inooga ogolaateen in aan kulankaan wada yeelano, marka xigto waxaan idiin kaga mahadnaqaynaa sida aad guddiga aad ugu soo bandhigteen talooyinkiina iyo aragtiyadiina wanaagsan ee la xariiro sharciga doorashooyinka qaranka”waxaa sidaasi yiri gudooomiyaha Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/llaahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab).

Tan iyo markii la magacaabay guddigaan waxa uu waday kulama uu la yeelanaayo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay ula wadaagaan aragtiyadooda la xariira sharciga dooorashooyinka Qaranka.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip