Maamulka Jubbaland oo Ka Hor-yimid Warkii Ka Soo Baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

0
Monday October 07, 2019 - 12:20:58 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Jubbaland oo Ka Hor-yimid Warkii Ka Soo Baxay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Habraaca cusub ee doorashada Jubbaland , kadib markii dowlada kasoo horjeesatay doorashadii uu kasoo baxay Axmed Madoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Habraaca cusub ee doorashada Jubbaland , kadib markii dowlada kasoo horjeesatay doorashadii uu kasoo baxay Axmed Madoobe.


Maamulka Jubbaland ayaana si adag uga soo horjeestay habraaca cusub ee doorashada ee dowlada federaalka soo saartay xili maamulkaasi isku diyaarinayo caleemo saarka Sheekh Axmed Madoobe.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Jubbaland, Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed, ayaa sheegay Warqada kasoo baxday dowlada federaalka ay tahay mid hareer marsan sharciga oo lagu waxyeeleenayo maamul jira.

””Waxaan u aragnaa inay tahay mid sharciga iyo dastuurka dalka u yaala hareer marsan warqadan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka”, ayuu yiri Wasiir Cabdi Xusseen.

Waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland in dhawaan qabanayaan caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxa uuna ku eedeeyay dowlada in ay ka lalmato maamul goboleedyada kana shaqeeneyso .

Dowlada federaalka ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay natiijada doorashadii uu kusoo baxay Sheekh Axmed.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la magacaabo Guddi farsamo oo loo dhan yahay, kalana shaqeyn doonaan sidii loo soo xuli lahaa Baarlamaan cusub iyo in la qabto shir dib u heshiisiin.

Dhowr jeer oo hore Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay qoraalo is daba joog ahaa oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana inta badan ahaayeen kuwo aanan dhaqan gelin oo khilaafka labada dhinac sii xoojin jiray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip