Xasan Sheekh oo Su'aal Ka Keenay Cida Ay Ka Tirsan Yihiin Xoogaga Wadaniyiinta.

0
Monday October 07, 2019 - 08:42:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh oo Su'aal Ka Keenay Cida Ay Ka Tirsan Yihiin Xoogaga Wadaniyiinta.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bilihii u dambeysay aad u dhaliilayay siyaasada Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa su'aal ka keenay dhalinyarada xoogaga Wadaniyiinta ee laga qoray degmo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bilihii u dambeysay aad u dhaliilayay siyaasada Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa su'aal ka keenay dhalinyarada xoogaga Wadaniyiinta ee laga qoray degmooyinka Gobolkan Banaadir.


Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jirtay hadal heyn ku saabsan Koox la magac baxay Xooggaga Waddaniyiinta Soomaaliyeed, kuwaasoo ka qeyb qaata abaabulada kulamada iyo bannaan baxyada lagu taageero dowladda Federaalka, isla markaana dhaq dhaqaaq firfircoon ku leh degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xooggaga Waddaniyiinta ayaa wakiilo ku leh degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la sheegaa in bilo ka hor ay door ku lahaayeen magacaabida cida Guddoomiye ka noqoneysa degmooyinka iyo talooyinka maamul ee degmo kasta, waxaana ay toos ugu xiran yihiin Madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa su’aal ka keenay waxa ay u taagan yihiin Xooggaga Waddaniyiinta Soomaaliyeed, isagoo is weydiiyay cida ay ka tirsan yihiin haddii ay yihiin Shaqaalaha Rayidka iyo haddii ay ururada bulshada rayidka yihiin.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka laga doonayo inay sharciyeyso xooggagan oo ku darto shaqaalaha dowladda, isagoo caddeeyay in cid aan sharciyad heysan in aan qarash lagu bixin.

Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in dalka uu leeyahay Afar Ciidan oo kale ah, Ciidamada Booliska,Nabadsugida, xoogga dalka iyo Asluubta ,hayeeshee wixii kasoo hgara ay yihiin kuwo ku Shaqeeya Sharci-darro.

"Baryahaan waxaan maqleynay kuwa leh xoogag wadaniyiinta dadka soomaaliyeed dhamaantood waa wadaniyiin,marka xoogaga wadanioyiinta ee la sheegaayo xagey ka tirsan yihiin,shaqaalaha dowladda miyaa,Ciidan miyaa,Bulshada rayidka miyaa,astaamo aan wanaagsaneyn ayaa ii muuqda ee dowladda waxaa laga rabaa ha sharciyeyso ayuu yiri”Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya xilli weli dowladda Soomaaliya aysan cadeyn cida ay ka tirsan yihiin xogaga wadaniyiinta ee ka Shaqeeya Gudaha degmooyinka Gobolka Banaadir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip