Dowladda Soomaaliya oo Soo Saartay Qorshaha Cusub iyo Habraaca Doorashada Jubbaland.

0
Monday October 07, 2019 - 08:22:44 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo Soo Saartay Qorshaha Cusub iyo Habraaca Doorashada Jubbaland.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraac cusub oo ku saabsan Qorshaha soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka 2aad iyo Doorashada Madaxweynaha ee Jubbaland 2019, iyadoo horay u jireen habraacyo ay soo saartay oo a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraac cusub oo ku saabsan Qorshaha soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka 2aad iyo Doorashada Madaxweynaha ee Jubbaland 2019, iyadoo horay u jireen habraacyo ay soo saartay oo aan ka dhaqan gelin Jubbaland.


War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaradda Arrimaha Gudaha oo ka kooban dhowr qodob ayaa lagu faahfaaiyay Qorshaha soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka 2aad iyo Doorashada Madaxweynaha ee Jubbaland 2019.

War kasoo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in doorashooyinkii ka dhacay degaanada maamulka Jubbaland ee Madaxweynaha iyo Guddoonka baarlamaanka ay yihiin baadil sidaas darteed dowladda ay soo dhisi doono Guddi dib u heshiisiin ah.

Soo saarista habraacan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay ka socoto magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.








 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip