Xildhibaan Jeesow oo Sheegay In Diyaaradii Ka Degtay Kismaayo Ay Khatar Gelisay Dalka.

0
Sunday October 06, 2019 - 18:31:28 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Jeesow oo Sheegay In Diyaaradii Ka Degtay Kismaayo Ay Khatar Gelisay Dalka.

    Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay diyaarad shalay geysey magaalada Kismaayo siyaasiyiin ka qeybgalaysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland mid sharci darro ah oo qatar gelisay d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay diyaarad shalay geysey magaalada Kismaayo siyaasiyiin ka qeybgalaysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland mid sharci darro ah oo qatar gelisay dadkii saarnaa.


Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay xildhibaan daahir Amiin Jeesow in diyaaradaas gaartay Kismaayo ay la mid tahay duulaaan lagu soo qaaday dalka Soomaaliya ayna ahayd mid is qarxin siyaasadeed ah.

Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa uu tilmaamay in shalay hawada Soomaaliya ay kabadbaaday khatar,maadaama ay soo gashay Diyaarad Qaraab ah oo aan fasax ka heysan Maamulka hawada Soomaaliya.

 

"Hawada dalkeena waxaa mara saacadiiba illaa 12 diyaaradood,marka in diyaarad aan la ogeyn iska soo gasho waa mid halis ah ku ah guud ahaan ammaanka dalka.”ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah uga war uga soo saaraan diyaaradii shalay ka degtay Kismaayo,iyadoo aan wax fasax ah aan ka heysan Maamulka hawada Soomaaliya,isla markaana khatar gelisay dalka Soomaaliya.

Diyaarada gaartay shalay magaalada Kismaayo ayaa waxaa la socday Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxaa kusoo,iyadoo shalay diyaarad ka soo duushay Magaalada Nairobi ka degtay Kismaayo,taasi Jebisay amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ahaa in diyaaradaha ka taga Kismaayo iyo kuwa ka yimaada inay soo maraan Garoonka Aadan Cadde Magaalada Muqdisho.

Dowlada Federalka ayaaa hore uga mamnuucday diyaaradaha tagaya magaalada Kismaayo ay soo maraan magaalada Muqdisho diyaaradaha ka duulaya Muqdishana ay 24saac ka hor soo wargeliso hay’ada duulista hawada,waxaana diyaaradii shalay gaartay Kismaayo ay madaxda Jubbaland ku tilmaameen mid ay soo iibsadeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip