Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Sargaal Ciidan oo Maanta Maxkamad La Soo Taagay.

0
Sunday October 06, 2019 - 14:03:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Sargaal Ciidan oo Maanta Maxkamad La Soo Taagay.

    Waxaa maanta Maxkamada gobolka Banaadir lasoo taagay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsi kuyaala magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta Maxkamada gobolka Banaadir lasoo taagay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsi kuyaala magaalada Muqdisho.


Wasiirka Amniga Jubbaland waxaa maxkamada Gobolka Banaadir lala soo taagay Buulle Aadan Maxamed oo taliye ciidan kasoo noqday Degmooyinka Doolow iyo Gedo.

Wasiir Janan iyo Sargaalkan Maxkamada lasoo taagay ayaa loo heestaa dambiyo dhinaca bini’aadanimada ka dhan ah ay ka geesteen degmada Doolow ee gobolka Gedo xili ay halkaasi ka talinayeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Dambiyada loo heesto labadan xubnood ay kamid yihiin dilal loo geestay dad aysan Maxkamad xukumin oo ku xirnaa xabsi kuyaala magaalada Doolow.

Wasiirka Amniga Jubbaland iyo sargaalkan ciidan ayaa markii ugu horeesay Maxkamad loo soo taagay dambiyadan lagu soo eedeeyay, waxaana la filayaa in mar kale kasoo hor muuqdaan Maxkamada qaadaya kiisaska dacwo ee loo heesto.

Inkastoo bishii April ee sanadkan ay Maxkamadda Gobolka Banaadir baabi’isay dhammaan eedeymihii loo heystay Mr C/rashiid Janan ayaa hadana waxaa maanta la soo taagay Maxkamadda Gobolka.

C/rashiid Janan ayaa la xiray dhamaadkii bishii Agosto, xilli garoonka diyaaradaha Muqdisho ku ahaa Transit, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xariggiisa ayaa waxaa ka dhashay banaan baxyo looga soo horjeedo oo ka dhacay Gobolka Gedo iyo magaalada Kismaayo, waxaana ay sii fogeysay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.




 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip