Madaxweyne Trump oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka

0
Wednesday September 18, 2019 - 09:08:12 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Trump oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah waxaa uu waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo uga guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed, kaasoo dhowaan ay magacawday dowladda Federaalka ah ee Soomaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah waxaa uu waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo uga guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed, kaasoo dhowaan ay magacawday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.


Amb. Cali Shariif Axmed ayaa lagu qaabilay Aqalka cad ee Mareykanka, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweyne Donald Trump, kuna wareejiyay waraaqihiisa aqoonsiga ee Danjirmo.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Amb. Cali Shariif uu waraaqihiisa aqoonsiga ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Danjire Cali Shariif ayaa noqonaya Safiirkii 3aad ee Soomaaliya u magacawda Mareykanka, tan iyo sanadkii 2014, xilligaasoo dowladda Soomaaliya markii u horeysay muddo 20 sano oo ay Safiir u magacawdo dalka Mareykanka, kaasoo ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Tan iyo sanadkii 2018 Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa aheyd Safiir la’aan, kaddib markii Axmed Ciise Cawad oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Washington loo magacaabay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip