Madaxweyne Waare oo sheegay in Al-Shabaabkii ugu Badnaa u Soo Guureen Hir-Shabelle.

0
Tuesday September 17, 2019 - 09:10:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 48
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waare oo sheegay in Al-Shabaabkii ugu Badnaa u Soo Guureen Hir-Shabelle.

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah ee ka jira deegaano kamid ah Hirshabelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah ee ka jira deegaano kamid ah Hirshabelle.


Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay Shalay magaalada Jowhar kulan lagu soo bandhigay waxsoo saarka dalka ayaa sheegay in culeys amni uu ka jiro Hirshabelle haddana uu soo gaaray meel aad u daran.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in wax badan ay qarsadeen xaaladaha Amni-darro ee ka jira Hir-Shabeelle balse ay haatan gaartay heer aysan qarsan Karin,waxaana uu hadalkiisa intaasi ku daray in Al-Shabaabkii ku sugnaa deegaannada Gobolka Shabellaha Hoose ay u soo guureen deegaannada Hir-Shabeelle.

"Runtii howlgallo ayaa ka socda Shabellaaha Hoose,aniga dadka halkaasi degan waan rabnaa in cadawga laga dulqaado,balse weli lama dhameyn waayo Al-Shabaabkii ku sugnaa Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa uu u soo guuray deegaannada Hir-Shabeelle halkan ayuu nala joogaa ayuu yiri”Madaweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabele ayaa ugu baaqay dowlada federalka inay amniga sugto maadaama haddii uusan amni jirin horumar jiri karin.

Warkan ka soo baxay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa imanaya labo maalin kadib markii lagu weeraray wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Balcad ciidamo ka tirsan AMISOM iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dhismaha wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho waxana uu ka codsaday shirkadaha qaatay qandaraasyada dhismaha wadada laamiga ah inay dedejiyaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Shalay u buuxsantay sanadguurada labaad ee ka soo wareegatay markii loo doortay Madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip