Madaxweyne Farmaajo oo Soo Xiray Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug -Sawirro

0
Tuesday September 17, 2019 - 08:06:19 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Soo Xiray Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug -Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug.


Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka mideysan ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee horseeday qabanqaabada iyo qabsoomidda Shirweynahan, isaga oo ku ammaanay bulshada, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada Galmudug biseylka ay muujiyeen iyo in ay wadajir ugu istaageen ka mira-dhalinta fursaddan taariikhiga ah.

"Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in aan u gudubno wajiga labaad ee soo xulista iyo dhisidda maamul sal adag leh oo Galmudug ay yeelato.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ballanqaaday shacabka reer Galmudug in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay taageero joogto ah iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda iyo horumarka ay hiigsanayaan.

Madaxweynaha ayaa dhaqanka, dhallinyarada, culimada, ganacsatada, haweenka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay inay midoobaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si loo helo Galmudug mideysan, horumarsan, barwaaqo ah oo ay bulshadeedu si nabad ah u wada nool yihiin.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali iyo Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo dhammaantood kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda iyo guul ka gaaridda Shirweynahan.

Shirweynaha Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo 5-tii bishan uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddo 10 cisho ah socday, waxaana Ergooyinka ka qeyb galaya ay ka yeesheen doodo kala duwan oo la xiriiray sida dadka ka soo jeeda Galmudug maamul ay u dhan yihiin u yeelan lahaayeen, in laga heshiiyo wixii dhib ee kala gaaray.

Hase ahaatee qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa si weyn u dhaliilay hannaanka uu u socday shirkaas, kuna tilmaameen inuu yahay Siminaar oo kale, maadaama 10 cisho aanay ku filneyn dib u heshiisiinta dadka reer Galmudug, ayna u baahan tahay in waqti la siiyo beelaha dhexdooda inay si hoose u dhaqaan wixii dhib ee kala gaaray.

Dhinaca kale waxaa Xalay gebi ahaanba la joojiyay in si toos loo tabiyo Telefishinadana laga daawado Munaasabadda xiritaanka Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana tallaabadan ka dambeysay markii Guddiga qaban qaabada ay diideen in si toos ah loo tabiyo munaasabadda, ayna ka soo qeyb galaan warbaahinta madaxa bannaan.

Wararka ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in Mas’uuliyiinta ka qeyb galayay munaasabadda xiritaanka inay jeediyaan khudbado xasaasi ah ama hadalo xanaf ah ku hadlaan, inta ay socotay Tabinta tooska ah, maadaama ay jiraan odayaal qaar oo ashtako ka qaba hannaanka wax loo waday.



Image may contain: 8 people, people sitting

Image may contain: 1 person

Image may contain: 1 person, standing, beard and text

Image may contain: 10 people, people sitting and crowd

Image may contain: 3 people

Image may contain: 2 people, beard and closeup

Image may contain: 3 people, people standing and beard

No photo description available.

Image may contain: 1 person

Image may contain: 1 person, suit and text

Image may contain: 5 people, people standing

Image may contain: 2 people, suit

Image may contain: one or more people, people on stage and suit

Image may contain: one or more people, people on stage, people standing and beard

Image may contain: 3 people

Image may contain: 1 person

Image may contain: 4 people, people standing and suit

Image may contain: 2 people

Image may contain: 3 people

Image may contain: 1 person, suit



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip