Trump oo Sheegay in Iran Ay Heli Doonto Jawaabta Weerarkii Lagu Qaaday Sacuudiga.

0
Monday September 16, 2019 - 17:58:05 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo Sheegay in Iran Ay Heli Doonto Jawaabta Weerarkii Lagu Qaaday Sacuudiga.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay qoryahooda cabeysteen ayna diyaar yihiin inay ka jawaabaan weerarkii lagu qaaday mid ka mid ah goobaha ugu weyn shidaalka dalka Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay qoryahooda cabeysteen ayna diyaar yihiin inay ka jawaabaan weerarkii lagu qaaday mid ka mid ah goobaha ugu weyn shidaalka dalka Sacuudiga.


Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku muujiyay inay qaadaan suura galnimada weerar ka dhan ah Iiraan.

"Waxaa jirta sabab aan ku aaminno inaan naqaan cidda weerarka fulisay, qoryaheena waa cabbeysan yihiin” ayuu yiri

Trump ayaa sheegay inuu Sacuudiga ka sugayo inuu ka maqlo cidda ay rumeysan yihiin inay ka dambeyso weerarka iyo nooca tallaabada ay ku xijin doonaan.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa twitter-ka soo dhigay "Iiraan waxay iminka weerar aan caadi ahayn ku qaadday halka tamarta looga qeybinayo dunida”, isaga oo diiday sheegashada kooxda Xuutiyiinta ee weerarka.

Iiraan ayaa eedeymaha ku saabsan inay weerarka ka dambeyso ugu yeertay "been midda ugu weyn.”

Goobaha ay suurta-galka tahay in Sacuudiga iyo Mareykanka ay beegsadaan ee Iiraan "ayaa noqon kara xarumaha muhiimka ah ee shidaalka dalkaas lagu sifeeyo” waxaa sidaas VOA u sheegay Ali Shihabi oo ah aas-aasaha hay’adda Arabia Foundation.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip