Safiirka Cusub ee Soomaaliya u Magacawday Mareykanka oo Aqoonsigii Laga Guddoomay.

0
Friday September 13, 2019 - 17:28:31 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Cusub ee Soomaaliya u Magacawday Mareykanka oo Aqoonsigii Laga Guddoomay.

    Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Mareykanka Amb. Cali Shariif Axmed ayaa laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqadihiisa aqoonsiga, kaddib muddo bilo ah oo uu sugayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalka Mareykanka Amb. Cali Shariif Axmed ayaa laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqadihiisa aqoonsiga, kaddib muddo bilo ah oo uu sugayay.


Danjire Cali Shariif ayaa nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Kuxigeenka Madaxa Protocol-ka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka Mary-Kate Fisher.

Danjire Cali Shariif Axmed Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka ayaa 17-kii Bishii July ee Sanadkaan waxaa magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Amb. Cali Shariif ayaa laga soo bedelay dalka Itoobiya oo muddo lix bilood uu ka ahaa Safiir, sidoo kale waxaa uu Safiir ka soo ahaa Faransiiska oo sanadkii 2016 laga guddoomay waraaqadaha aqoonsiga.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa tan iyo horaantii sanadkii 2018 aheyd Safiir la’aan, kaddib markii Safiirkii hore Amb. Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

5-tii sano ee u dambeeyay Soomaaliya ayaa illaa saddex Safiir u magacawday Mareykanka, iyadoo markii u horeysay muddo labaatan sano kaddib burburkii Safiirkii u horeeyay ee ay Soomaaliya u magacawday Mareykanka uu ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo sanadkii 2014 uu Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay, sidoo kale markii Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay sanadkii 2015 waxaa mar kale ay Soomaaliya u magacawday Safiir cusub dalka Mareykanka, waxaana uu ahaa Amb. Axmed Ciise Cawad oo isna mar kale waraaqadaha aqoonsiga uu ka guddoomay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip