Al-Shabaab oo Weeraray Ciidamo Ka Tirsan Kenya iyo Khasaaro Ka Dhashay.

0
Wednesday September 11, 2019 - 08:50:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Weeraray Ciidamo Ka Tirsan Kenya iyo Khasaaro Ka Dhashay.

    Wararka naga soo gaaray Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaray Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.


Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Ceelraam oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal kooban oo dhexmaray labada dhinac.

Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan,waxaana la sheegay in Ciidanka Kenya halkaas looga dilay 9 Askari,sidoo kalena looga gubay ku dhawaad Afar Gaari.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Ciidanka Kenya,iyadoo tilmaamay in halkaas ay ku dileen 9 Askari.

Sidoo kale Al-shabaab waxaa ay sheeteen in weerarka ay ku gubeen Afar gaari oo kala ah Taaw,Kooyal Mutibiish iyo Probox,isla markaana ay jireen kuwa gaashaaman.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in weerar looga dilay Askar ka tirsan iyo in laga gubay dhowr gaari.

 

Inta badan deegaano ka tirsan Gobolka Waqoioyi Bari ee dalka Kenya iyo Gobolada Jubbooyinka iyo gedo ayaa waxaa ka dhaca weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah,kuwaas oo lala beegsado Ciidamada Kenya,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip