Duqa Muqdisho oo La Kulmay Saraakiisha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar -Sawirro

0
Wednesday September 11, 2019 - 08:00:57 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho oo La Kulmay Saraakiisha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar -Sawirro

    Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Xarunta Dawladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay Saraakiisha Taliska Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Xarunta Dawladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay Saraakiisha Taliska Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Xamar.


Ujeedka kulankaan oo ahaa isla-xisaabtan iyo la-dagaalanka musuq maasuqa oo qeyb ka ah siyaasadda duqa magaaladda Muqdisho Cumar Filish ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xiggeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Saraakiisha Dowlada hoose ayaa uga warbixiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Filish qaabka ay u socdaan howlaha daqli ururinta gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu mid mid u wareystay saraakiisha ciidanka ilaalinta deegaanka ee Xamar, isagoo u sheegay in maamulkiisa uusan aqbali doonin musuq-maasuq iyo ku-takrifal awoodeed.

"Waxaan maanta aqalka dowlada hoose Xamar kulan kula qaatay saraakiisha taliska ciidanka ilaalinta Degaanka ee D.H.X, Kulanka ayaa inta uu socday waxaan mid mid u xog wareystay saraakiisha ciidanka ilaalinta deegaanka ee dowlada hoose Xamar, waxaana uga digay in maamulkayga uusan aqbali doonin musuq maasuq iyo kutagrifal” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Saraakiisha Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar ayaa Duqa Muqdisho u xaqiijiyey in ay ka soo dhalaali doonaan waajibaadka laga sugayo, waajibaadkoodana gudan doonaan si horumarka Caasimadda loo xoojiyo.













Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip