Ammaanka Dhuusamareeb oo La Adkeeyay Dhagxaan iyo Carro Tuur La Dhigay Waddooyinka Qaar.

0
Tuesday September 10, 2019 - 17:25:14 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ammaanka Dhuusamareeb oo La Adkeeyay Dhagxaan iyo Carro Tuur La Dhigay Waddooyinka Qaar.

    Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka qaar maanta lagu arkay dhagxaan iyo carro-tuur dhufeys ah, taasoo ku cusub magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka qaar maanta lagu arkay dhagxaan iyo carro-tuur dhufeys ah, taasoo ku cusub magaalada.


Ciidamada dowladda ee dhowaan geysay magaalada ayaa dhagxaan iyo carro-tuur ku xiray halka laga galo Madaxtooyada, halka shirka ka socdo iyo waddooyinka muhiimka ah.

Ciidamada ayaa xiray wadada gasha xarunta uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug, waxaana saaka lagu arkayay Ciidamada oo wadada ku xiray carro-tuur, si aanay gaadiidka ugu gudbin, halka waddooyinka qaar dhinacyada laga dhigay.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu sugo amniga magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan marti gelin doonta doorashada Hoggaanka Maamulka Galmudug.

Ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee ka howlgalada magaalada Dhuusomareeb ayaa ku jira feejignaan, waxa ayna ciidamada baro iyo koontaroolo ka sameesteen qeybo badan oo magaalada kamid ah.

Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa magaalada ku qulqulayay siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo ergooyin matalaya deegaanada Galmudug, si ay qeyb uga noqdaan geeddi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip