Madaxweynaha Maamlka Koonfur Galbeed Oo Gaaray Degmada Xudur -Sawirro

0
Tuesday September 10, 2019 - 13:10:46 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamlka Koonfur Galbeed Oo Gaaray Degmada Xudur -Sawirro

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.


Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wafdiga la socda ayaa horudhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu saacadaha soo socoda ku tegayo Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan ka socota Degmada Degmada Xudur,waxaana bartamaha Magaalada lagu arkayaa,boqolaal dadweyne oo isu diyaarinaya soo dhaweynta Xasan Cal Kheyre.

Dadweyne farabadan ayaa haatan ku sugan Garoonka Kubbada Cagta ee Dr Waaberi,halkaasi oo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha uu Bulshada degmada xudur uu kula hadlo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.

Ammaanka guud ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgal baaritaano ah ka wada,isla markaana xiray qaar kamid ah Wadooyinka muhiim ah.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip