Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo La Kulmay Hay'ado Caalami Ah -Sawirro

0
Tuesday September 10, 2019 - 11:26:09 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo La Kulmay Hay'ado Caalami Ah -Sawirro

    Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo hay'adaha caalamiga ee taageera doorashooyinka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo hay'adaha caalamiga ee taageera doorashooyinka Soomaaliya.


Kulankan oo ahaa mid xog is dhaafsi ah ayaa intuu socday waxaa heerka diyaar garowga Guddiga ka war bixisay guddoomiye marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Xaliimo Yareey).

Guddoomiyuhu waxay si qota dheer ka qeyb galayaasha ugu faah-faahisay halka ay Guddiga wax u marayaan, hawlaha muhiimka ah ee qabsoomay, kuwa gaabiska ku jira iyo kuwa hakadka ku jira intaba. 

Guddoomiyuhu waxay sidoo kale shirka ka sheegtay in culeysya dhaqaale iyo kuwo farsamo ay gaabiska iyo hakadka hawlaha qaar ay sabab u yihiin.

Dhankooda hay’adahan caalamiga ee daneeya doorashooyinka Soomaaliya ee shirka joogay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin wax qabadka Guddiga iyada oo ay ku hor gudbanyihiin caqabo siyaasadeed, kuwa dhaqaale iyo kuwa farsamo.

Ugu danbeyntii hay’aduhu waxay ballan qaadeen in ay Guddiga ka taageeri doonaan sidii waddanka ay uga hirgeli lahaayeen doorasho qof iyo cod ah markii ugu horreysay muddo 50 sano ah.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip