Qabanqaabada Soo Dhaweynta Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Ka Socota Degmada Xudur -Sawirro

0
Tuesday September 10, 2019 - 11:14:19 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabanqaabada Soo Dhaweynta Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Ka Socota Degmada Xudur -Sawirro

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safarkiisa u horeeyay ku tagaya Gobolka Bakool, gaar ahaan magaalada Xudur ee xarunta u ah gobolka, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safarkiisa u horeeyay ku tagaya Gobolka Bakool, gaar ahaan magaalada Xudur ee xarunta u ah gobolka, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.


Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay Sabtidii la soo dhaafay.

Qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan ka socota Degmada Degmada Xudur,waxaana bartamaha Magaalada lagu arkayaa,boqolaal dadweyne oo isu diyaarinaya soo dhaweynta Xasan Cal Kheyre.

 

Dadweyne badan oo wata sawirada Ra’isul Wasaare Kheyre iyo boorar soo dhaweyn ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada Xudur, waxa ayna dadku isugu tagayaan goob fagaare ah oo loo qorsheeyay in Ra’isul Wasaaraha kula hadlo shacabka Xudur.

Mr Kheyre ayaa dhagax dhigi doona mashaariic laga fulin doono degmada Xudur, waxaana degmadaas iyo deegaanada kale ee Bakool muddo sanad ay yihiin mid go’doon ku jirta oo diyaarad kaliya ay ku taagaan sahayda iyo raashinka.

Wararka ayaa sheegaya Ra’iisul Wasaaraha uu diyaarad ku tagi doono magaalada Xudur, maadaama safarka dhinaca dhulka aanay sahlaneyn, isla markaana deegaano ka tirsan Baay iyo Bakool ay kala xiran yihiin, kaddib markii ay Al-Shabaab ay jareen waddooyinkii loo mari lahaa.

Socdaalka maanta uu Ra’iisul Wasaaraha ku tagayo magaalada Xudur ayaa waxaa ku wehlin doona Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo xubno ka tirsan Xukuumadda.

Ammaanka guud ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgal baaritaano ah ka wada,isla markaana xiray qaar kamid ah Wadooyinka muhiim ah.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip