Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Rag Ka Tirsan Al-Shabaab Ku Dilay Gobolka Gedo.

0
Tuesday September 10, 2019 - 09:11:55 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Rag Ka Tirsan Al-Shabaab Ku Dilay Gobolka Gedo.

    Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka gedo.


Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Garbahaareey,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan hal Saacad.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoog oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.  

 

Ciidamada dowladda ayaa dagaalka ku dilay illaa labo dagaalame, halka ay ku furteen saddex qori oo mid ka mid ah uu ahaa qoriga loo yaqaano Baasukaha garbaha laga rido.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Garbahaarey ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, ayna ka war hayeen markii hore dagaalka ay soo qaadayeen.

Taliyaha Saldhiga Degmada Garbahaarey Cabdi Xakiin Maxamed Cumar "Caano koosto” ayaa sheegay in weerarkii uga yimid Al-shabaab ay iska difaaceen,isla markaana haatan xaalada deegaanka ay tahay mid degan.

Sidoo kale Taliye Caano koosto ayaa sheegay in Al-shabaabkii weerarka soo qaaday ay ka dileen laba dagaalame,sidoo kalena dhankooda uu hal Askari dhaawac Culus ka soo gaaray.

Dhinaca kale ma jiro ilo Madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin dagaalka xalay Ciidamada Dowladda ay kula galeen degmada Garbahaareey ee Xarunta ee Gobolka Gedo,waxaana wararka aan saaka heleyno ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada duleedka Garabahaarey, iyagoo ku daba jira raadka kooxdii weerarka soo qaaday.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip