Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Mashaariic Ka Dhigax-Dhigay Magaalada Baydhabo -Sawirro

0
Monday September 09, 2019 - 17:46:52 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Mashaariic Ka Dhigax-Dhigay Magaalada Baydhabo -Sawirro

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay dhisma waddo 1,500 oo mitir oo dhex marta magaalada Beydhabo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu-socoka bulshada iyo horumarinta dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay dhisma waddo 1,500 oo mitir oo dhex marta magaalada Beydhabo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu-socoka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.


Dhismaha wadada oo ay fulineyso dowladda federaalka ayna maal gelineyso dowladda Norway ayaa inta la dhisayo waxaa ka shaqeynaya 500 oo shaqaala dadka deegaanka ah oo ay shaqo abuur u noqoneyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka kale, xarigga ka jaray ceel biyood ay dhistay Save the Children oo kamid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Beydhabo laga hir-geliyay kaas oo si lacag la’aan ah biyaha uga cabayaan 4,000 oo qoys oo ku nool xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Munaasabadda uu Ra’iisul Wasaare Kheyre Xariga uga jaray Ceel Biloodka Cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip