Madaxweynaha Somaliland oo La Kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomsaliya -Sawirro

0
Monday September 09, 2019 - 17:42:06 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo La Kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomsaliya -Sawirro

    Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.


Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka  Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay taageerada ballaadhan ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xidhiidhka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay.

Dhankooda, waxa ay weftigu ku bogaadiyeen Somaliland horumarka laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka.

Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Somaliland.












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip