Jeneraal Ka Tirsan Ciidanka Booliska oo Ku Dhaawacmay Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa.

0
Monday September 09, 2019 - 13:37:02 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Ka Tirsan Ciidanka Booliska oo Ku Dhaawacmay Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa.

    Jeneraal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho, kaasoo ahaa mid ka dhashay gaari uu watay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeneraal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho, kaasoo ahaa mid ka dhashay gaari uu watay.


Sida wararku sheegayaan Jeneraalka ayaa lagu magacaabaa Maxamed Dhoore, waxaana qaraxa uu ahaa kuwa gaadiidka lagu xiro.

Xilliga qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in Gaariga uu ku sugnaa Xarunshidaal uu ka qaadanayay, oo ku taal degmada Xamar Jajab.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidanka goobtaasi ka qaadeen dhaawaca sargaalka iyo askari la sheegay in isna ilaalo u ahaa sargaalka dhaawacmay.

Jeneraalka ayaa Dhaawiciisa loo qaaday goobaha caafimaadka, waxaana qaraxa gaarigiisa soo gaaray burbur, iyadoo qaraxana uu xaruntii shidaalka uu ka qaadanayay.

Booliiska ayaa sidoo kale wada baaritaano ku aadan qaraxan haleelay gaariga sargaalka booliiska, mana jiro wali wax war ah booliiska kasoo saareen qaraxan goordhaw dhacay.

Saraakiisha Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli dhankooda wax faah faahin ah kama bixin qaraxaan Maanta ka dhacay Magalada Muqdisho,waxana  Bilihii la soo dhaafay soo badanayay qaraxada lagu dhejiyo Gawaarida,iyada oo 25-kii bishii Agoosto ee sanadkaan qarax loogu dhejiyay gaarigiisa uu ku geeriyooday Maxamed Amiin Sheekh Cilmi oo mar soo noqday xoghayaha guud ee Maamulka gobolkan Banaadir.  

Inta badan qaraxyada lagu xiro gaadiidka gaarka loo leeyahay ayaa ka mid ah falalka qorsheysan ee Al-Shabaab wax ku disho, kuna ugaarsato Mas’uuliyiinta, Shaqaalaha iyo saraakiisha Ciidamada ee ka tirsan dowladda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip