Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Ku Wajahan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

0
Monday September 09, 2019 - 08:56:45 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Ku Wajahan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Maanta waxaaa lagu wadaa inuu gaaro Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Maanta waxaaa lagu wadaa inuu gaaro Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.


Socdaalka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku tegayo Degmada Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo xubno ka tirsan Golaha.

Degmada Xudur ayaa waxaa saakay ka socoto qabanqaabo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda oo saacadaha soo socoda halkaas tegi doono.

Gudaha degmada Xudur ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & kuwa AMISOM oo siweyn amniga u adkeynaya,waxaana sidoo kale Wadooyinka degamadaasi la suray booray lagu dhejiyay Sawirka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago degmada Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa  mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.

Ammaanka guud ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgal baaritaano ah ka wada,isla markaana xiray qaar kamid ah Wadooyinka muhiim ah.

 
 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip