Axmed Madoobe oo Casho Sharaf u Sameeyey Xildhibanada Cusub ee Jubbaland -Sawirro

0
Wednesday August 21, 2019 - 08:23:34 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo Casho Sharaf u Sameeyey Xildhibanada Cusub ee Jubbaland -Sawirro

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho sharaf waxaa uu u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee dhawaan lagu dhawaaqay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho sharaf waxaa uu u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee dhawaan lagu dhawaaqay.


Kulanka oo ka dhacay mid ka mid ah Hoteelada Magalada Kismaayo ayaa Axmed Madoobe waxaa uu Xildhibaannada ka codsaday in ay codkooda siiyaan si markii Saddexaad uu u noqdo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoonka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland,waxaana sidoo kale ay diirada ku saareen kulankooda sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo dhcii doonta 22 Bishaan oo ku beegan maalinta berrito ah.

Axmed Madoobe ayaa Shalay ka mid ahaa musharaxiintii Baarlamanka Jubbaland ka hor jeediyey barnaamijkooda siyaasadeed ee ay doonayaan in lagu doorto.

Musharaxiin ka horjeeda Axmed Madoobe oo dhowaan Kismaayo ka sameeyey baarlaman kale ayaa sheegay iney iyagana isla Khamiista dooranayaan Madaxweyne kale.

Maamulka Jubbaland ayaa xalay ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay Cirka, Dhulka iyo Badda,isla markaana aysan jirin cid soo geli karta Magaalada ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Doorashada Madaxweynaha cusub ee Jubbaland ayaa lagu wadaa iney Kismaayo ka dhacdo 22 bishan oo ku beegan Maalinta Khamiista ah ee soo socota sida uu horey u sheegay guddiga doorashada.

Dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa horey u shaaciyey ineysan taageeri doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Kismaayo haddii aan la fulin qodobo ay soo jeediyeen in doorashada lagu dabaqo.















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip