Shir Lagu Ansixinayey Siyaasadda Dhuxusha Soomaaliya oo Lagu Qabtay Muqdisho -Sawirro

0
Wednesday August 21, 2019 - 08:11:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Lagu Ansixinayey Siyaasadda Dhuxusha Soomaaliya oo Lagu Qabtay Muqdisho -Sawirro

    Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa shir guddoomiyey shir lagu ansixinayey siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa shir guddoomiyey shir lagu ansixinayey siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya.


Kulankan oo u jeedkiisu ahaa ansixinta Siyaasada dhuxusha Soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda UNEP, waxaana diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa joojinta jaridda dhuxusha iyo dhoofinteedaba oo laga dhaxlo nabaad-guur sababa abaaro iyo musiibooyin dabiici ah, waxaana ka qeyb galay Wasiirrada Bi’adda ee dowlad-gobolleedyada , xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyay Agaasimaha Guud Bi’adda, Aqoon-yahanno , Iskaashatada dhuxusha, Haweenka ka ganacsado dhuxusha iyo marti sharaf kale.

Qaar kamida khubarada shirka ka qeybgalay ayaa soo bandhigay xoggo iyo tusaalooyin ku saabsan dhibaatada nabaad guurka iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta haddaan laga hortagin xaalufinta dhirta.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka furay ayaa sharraxay u jeeddada laga leeyahay ansixinta siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya oo laga shaqeenayey muddo hal sanno ah, wuxuuna tilmaamay in sharcigan uu horseedi doono yareynta dhibaatada deegaaneed ee ka dhasha jaridda dhirta sida Xaalufinta ,Nabaad guurka isbadallada cimiladda iyo daadadka.

"Siyaasaddan oo ay soo diyaarisay wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya, ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay waxay tahay waxay ay dalka ka anfacaysaa in la joojiyo dhoofka dhuxusha dibadda la geeyo, waxaa kalo ay ka caawinaysa dalka in la nidaamiyo soo saarka dhuxusha laga isticmaalo dalka gudihiisa, ama dhirka laga soo jaro dalka gudihiisa, waxaa kalo ay caawinaysa ilo kale oo tamareed si looga maarmo dhuxusha laga isticmaalo dalka gudihiisa.” ayuu yiri wasiir Xuuseen Maxamuud.

Waxaa uu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay ku dadaashay sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta oo uu sheegay in ay dhibaatooyin badan xambaarsanyihiin, sida ugu dhaqsiyaha badanna loo gudbin doona sharcigaan siyaasada dhuxusha golaha Wasiiradda Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in hey’adda Qaramada Midoobay horey usoo saartay qaraar ay ku mamnuucday ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya.

Siyaasadda Dhuxusha

  • Waxa ay dalka ka anfacaysaa in la joojiyo dhuxusha laga dhoofiyo Dalka
  • Waxa kale oo ay ka caawinaysaa dalka in la nidaamiyo soo saaridda, safrinta gudaha iyo isticmaalka dhuxusha
  • Waxa kale oo ay ka caawinaysaa in la helo ilo kale oo tamareed oo yareeya soo saaridda dhuxusha.
  • Siyaasadda dhuxushu waxa kale oo ay dalka ka caawinaysaa in dadka ku hawlan soo saaridda iyo ka ganacsiga dhuxusha loo helo ilo kale oo nololeed.
  • Siyaasaddan waxa kale oo ay keenaysaa in la yareeyo dhibaatooyinka degaaneed ee ka dhasha jarista dhirta ,sida xaalufka dhirta, nabaadguurka iyo daadadka.
Siyaasaddan waxa kale oo ay qeyb ka qaadanaysaa yareynta saasmeynta isbeddelka cimilada, helitaanka calafka xoolaha ,quruxda dhulka iyo ilaalinta jiritaanka Noolaha kala duwan.

 












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip