Wasiirka Amniga oo Kormeeray Xero Lagu Tababarayo Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka -Sawirro

0
Wednesday August 21, 2019 - 08:04:10 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 36
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga oo Kormeeray Xero Lagu Tababarayo Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka -Sawirro

    Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo socdaal ku tegay magaalada Guriceel ayaa booqday xerada Har-qaboobe ee tababarku uga socdo ciidamada xoogga dalka ee loo diyaarinayo xoreynta deegaannada Galmudug ee a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo socdaal ku tegay magaalada Guriceel ayaa booqday xerada Har-qaboobe ee tababarku uga socdo ciidamada xoogga dalka ee loo diyaarinayo xoreynta deegaannada Galmudug ee argagaxisadu ay shacabka ku dhibaateyso.


Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo saraakiisha ciidanka ka xog wareystay xaaladda ciidanka tababarka ku jira iyo sida ay u socdaan howlaha ciidamada loogu diyaarinayo baacsida cadawga ummadda iyo soo celinta sharafta Soomaaliyeed, ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay gacan bir ah ku qabtaan cawaga ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad oo wasiirka Amniga gudaha uga warbixiyay sida uu u socdo tababarka, ayaa sheegay in ay ciidanku u diyaarsanyihiin gudashada waajibaadka ka saaran Galmudug iyo guud ahaan ilaalinta qarannimadda.

Mr Islow ayaa saraakiisha ciidamada tababareysa u mahadceliyay, ayaa ciidanka u rajeeyay in ay ku guuleystaan ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Ciidanka lagu tababarayo xerada Har-qaboobe ayaa qayb ka ah ciidamada taliska qaybta 21-aad ee loo diyaarinayo xoreynta guud ahaan deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug si loo hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed loona gaarsiiyo adeegyada bulsho ee xaqa ay u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.












Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip