Akhriso:-Nuxurka Khudbadihii Musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

0
Tuesday August 20, 2019 - 17:05:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 43
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Nuxurka Khudbadihii Musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

    Magalada Kismaayo gaar ahaan hoolka doorashada waxaa Maanta lagu qabtay kulan ay khudbadahooda ku jeediyeen musharaxiiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Kismaayo gaar ahaan hoolka doorashada waxaa Maanta lagu qabtay kulan ay khudbadahooda ku jeediyeen musharaxiiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland.


Ilaa Afar Musharax ayaa Maanta jeediyay khudbadahooda musharaxnimo oo mid ka mid ah ay haweeney tahay,waxaana Xarunta goobjoog ka ahaa inta badan Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Musharixiinta Maanta Khudbadahooda jeediyay ayaa waxaa ay kala ahaayeen  Axmed Maxamed Islaam oo ah Madaxweynaha Jubbaland oo waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay iyo Canab Maxamed Daahir, Maxamed Cumar Geedi iyo Maxamuud Maxamed Cumar.

Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Madoobe ayaa sheegay in intii uu xilka hayay uu dhisay ciidamo cudud leh oo xoogan,kuwaas oo la dagaalami kara ururka Al-Shabaab, iyada oo aan cidna ka caawin.

Madaxweynaha talada haya Axmed Madoobe oo mar kale doonaya in loo doorto xilka ayaa ka hadlay haddii uu guuleysto waxa uu qaban doono, isagoo balan-qaaday in 18 bilood gudahood uu ku xoreyn doono deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland, sida Caasimadda Bu’aale.

”Jubbaland waxaa ay leedahay Ciidamo cudu leh oo dagaalama,waxaana idiin sheegayaa in mudo 18 Bilood gudahood ah aan Al-Shabaab uga saari doono deegaannada Jubbaland oo ay ka mid tahay Caasimadda Jubbaland ee Buu’aale ayuu yiri Axmed Madoobe”.

Waxaa uu ka hadlay arrimaha dib u heshiisiinta, daadajinta maamulka, dhismaha dowladaha hoose iyo adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Musharax Maxamed Cumar Geedi oo ka mid ah musharixiinta khudbadahooda jeediyay ayaa dhankiisa sheegay in hadii uu guuleysto uu jubbaland  gaarsiin doonanidaamka Axsaabta badan si shacabka ay u doortaan qofka ay doonayaan.

Canab Maxamed Daahir oo ah musharaxa kaliya ee Haweenka ah una taagan qabashada xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankeeda sheegtay hadii ay guuleysato ay  ka shaqayn doonta arrimaha dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Musharrax Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) oo ahaa musharixii ugu dambeeyay ee khudbadda jeediyay ayaa sheegay in dadaal badan uu ku bixin doono wax u qabashada dadka Reer Jubbaland,isla markaana uu ka mid ahaa dadka dowladnimada Soomaaliya kazoo Shaqeeyay.

Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Khamiista ee soo socota oo ku beegan 22 bisha Agosto.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda doorashada ka socota magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale doorashadan shaki badan galiyay Beesha Caalamka oo marar badan baaq kasoo saartay.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip