Taliye Indhaqarshe oo Muqdisho Kula Kulmay Saraakiil Sare oo Ka Socota Dowladda Pakistaan -Sawirro

0
Tuesday August 20, 2019 - 10:13:20 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Indhaqarshe oo Muqdisho Kula Kulmay Saraakiil Sare oo Ka Socota Dowladda Pakistaan -Sawirro

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa kulan la qaatay Uqaabilsanaha Arrimaha Ciidamada Dowladda Pakistaan u jooga Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa kulan la qaatay Uqaabilsanaha Arrimaha Ciidamada Dowladda Pakistaan u jooga Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl.


Kulanka ayaa looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca ciidamada dalalka Soomaaliya iyo Pakistaan iyo sidii gacan uga geesan laheyd dowladaasi tababarada iyo qalabeynta ciidanka xoogga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janaral Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in Dowladda Pakistaan ay Gacan ka geysaneyso tababarad iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Uqaabilsanaha Arrimaha Ciidamada Dowlada Bakistaan u jooga Dalka Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Bakistaan ay Soomaaliya ka taageeri doonto tababarada iyo qalabeynta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Kulan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaasha Ciidamada Baddaiyo Cirka,waxaana ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Dowladu badan ayaa Soomaaliya xiligan ka taageera tababarida iyo qalabeynta ciidanka xooga Soomaaliya, waxa ayna ciidanka caawinaad kala duwan ka helaan dowladu kala duwan ay ugu horeeyaan Turkiga iyo Mareykanka.













Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip