Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Qatar oo Booqasho Lama Filaan Ah Ku Yimid Muqdisho -Sawirro

0
Monday August 19, 2019 - 14:15:44 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Qatar oo Booqasho Lama Filaan Ah Ku Yimid Muqdisho -Sawirro

    Wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb ay ka ahaayeen Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb ay ka ahaayeen Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.


Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay oo Mas’uul sare oo ka socda Qatar ku yimaado Soomaaliya, kaddib doorashadii Madaxweyne Farmaajo oo la rumeysan yahay in taageero weyn ku laheyd Qatar.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar ayaa la xiriira iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.

Kulanka labada Mas’uul ayaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan, sida taageerada Qatar, iskaashiga labada dal iyo mashaariicda horumarineed.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka la xiray sababo ku aadan imaanshaha wafdiga heerka sare ee ka socda dalka Qatar.

Qatar ayaa horay u balan-qaaday mashaariic dhowr ah oo dib u dhis, sida waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgoye- Muqdisho iyo Jowhar, kuwaasoo weli aanay hirgelin.

Booqashada Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar ku yimid Soomaaliya ayaa sii xoojineysa saameynta Qatar ku leedahay Soomaaliya, oo xilligan u muuqata mid ay kaga gacan sareyso dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo aan xiriir aad u wanaagsan kala dhaxeyn Soomaaliya, wixii ka dambeeyay khilaafkii dalalka Khaliijka ee sanadkii 2017.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in mowqif dhex dhexaadnimo ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ee sababay in Isbaheysiga ay hoggaaminayaan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ay xiriirka u jaraan dalka yar ee Qatar, hase ahaatee waxaa dowladda Soomaaliya lagu dhaliilay inay dhanka Qatar u janjeerto, isla markaana taageero weyn ka hesho.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip