Xildhibaano Taageersan Axmed Madoobe oo Eedeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

0
Monday August 19, 2019 - 13:34:29 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 32
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Taageersan Axmed Madoobe oo Eedeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

    Xildhibaanada Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee taageersan Axmed Madoobe ayaa war saxaafadeed ka soo saaray hannaanka ay u socoto doorashada Jubbaland, iyagoo eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee taageersan Axmed Madoobe ayaa war saxaafadeed ka soo saaray hannaanka ay u socoto doorashada Jubbaland, iyagoo eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka.


War saxaafadeedka oo loo diray Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay waajib tahay in cid kasta ay ixtiraamto Nidaamka iyo dastuurka dalka.

Xildhibaanada Labada Gole ayaa sheegay in Xukuumadda ay iska indha tireyso Dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan, ayna faragelin ku heyso doorashooyinka Jubbaland, taasoo aanay u adeegeyn Maslaxadda dalka iyo tan reer Jubbaland.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dalalka deriska ah ay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo meel ka dhac ku ah Qaranimada iyo madax bannaanida dalka, iyagoo tilmaamay in Saraakiil ka socota mid ka mid ah dowladaha deriska oo taageero ka heleysa Madaxda Villa Soomaaliya ay u soo bareereen inay farageliyaan arrimaha doorashooyinka Jubbaland.

Xildhibaanada Labada Aqal ayaa waxay eedeyn culus u soo jeediyeen Beesha Caalamka, iyagoo sheegay in dadaaladii ay maalmihii la soo dhaafay ku bixinayeen arrimaha doorashooyinka Jubbaland ay u muuqdaan kuwo hal dhinac kaliya culeys saaraya, taasoo ka fog kaalintii laga sugayay ee ahaa inay u hiiliso sharciyadda iyo nidaamka dalka u yaalla.

Wxa ay sheegeen Xildhibaanadan in Doorashadii Gudoonka Baarlamaanka maamulka Jubbaland ay ku dhacday si daah furan oo sharci ah, waxa ayna ka digeyn in la carqaladeeyo nidaamka Doorasho ee Jubbaland.

Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen Xubnaha Beesha Caalamka inaysan garab siin fowdo iyo in lagu tunto Sharciyada u yaalla dalka iyo in Jubbaland ay ka dhacdo xasilooni-darro  horseedi karta kala dambeyn la’aan sida ay dhacday sanadkii 2013-kii

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip