Wasiirka Amniga oo Ka Hadlay Dadaalada Lagu Adkeynayo Amniga Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug.

0
Monday August 19, 2019 - 13:27:55 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 29
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga oo Ka Hadlay Dadaalada Lagu Adkeynayo Amniga Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug.

    Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mamxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxa uu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga ee ku howlan adkeynta amniga caasimadda Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mamxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxa uu kulan la qaatay saraakiisha laamaha amniga ee ku howlan adkeynta amniga caasimadda Galmudug.


Kulanka ayaa looga hadlay laba jibbaaridda dalaallada lagu adkeynayo amniga guud, gaar ahaan inta uu socdo shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan furmaya, looguna diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Saraakiisha ayaa wasiirka uga war bixiyay sida ay u wadaan amni sugidda caasimadda iyo howl-gallo kale oo ay ka sameeyeen deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug.

Wasiirka amniga gudaha ayaa ciidanka ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan waxa uuna ku boorriyay in ay sii wadaan si loogu guuleyso dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug, dhammaan reer Galmudug ayuuna ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan shirka dib-u-heshiisiinta ayna dhistaas maamul ay u dhanyihiin oo danahooda ka shaqeeya.

Sidoo kale Wasiir Ducaale ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada warbixin ku siiyeen in howlgal ka dhacay deegaanka Camaara lagu soo qabtay Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip